Templates by BIGtheme NET
Home / NEWS TODAY / Lanta Amaanka Villa Somaliya Oo Caqabad Weyn Ku Heya Gudiga Dorashoyinka Somaliya

Lanta Amaanka Villa Somaliya Oo Caqabad Weyn Ku Heya Gudiga Dorashoyinka Somaliya

MuqdishoWanaagside.com Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa shaaca ka qaaday in guddigooda ay caqabad weyn ku heesato degnaashiyaha xarunta Madaxtooyada oo kutaalo xaruntooda.

Xaliimo Yareey ayaa sheegtay in caqabad weyn ku qabaan in ay ku dhax shaqeeyaan xarunta ay ku dhax leeyihiin Madaxtooyada, waxa ayna Dalbatay in xaruntaasi laga raro lana dejiyo meel kale oo ka duwan.

Waxa ay sheegtay in dhibaatada ugu weyn ee jirta ay tahay in xarunta ay ku leeyihiin Madaxtooyada aysan imaan karin dadka wada shaqeynta kala dhaxeyso sida bulshada iyo sidoo kale Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira.

”Caqabada ugu weyn ee na heesata ayaa ah in aan deganahay Madaxtooyada, waxaa nagu adag in ay noo yimaadaan oo is aragno bulshada iyo sidoo kale xisbiyada dalka ka jira, waxaan codsaneynaa in nalaga raro Madaxtooyada” Ayey tiri Xaliimo Yarey.

Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira iyo bulshada qeybaheeda kala duan ayey ku adkaatay in ay tagaan xarunta Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ku dhax taala xarunta Madaxtooyada oo amaankeeda si weyn loo adkeeyo .

About Ahmed Xaaji Halane

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

shares