Templates by BIGtheme NET
Home / NEWS TODAY / Cidamada Difaca Yaman Oo Qabtay Somali Miino Ku Aastay Gudaha Dalka Yaman

Cidamada Difaca Yaman Oo Qabtay Somali Miino Ku Aastay Gudaha Dalka Yaman

Ticis Wanaagside.com Milateriga dowladda Yemen ayaa magaaladda Tacis ku qabtay  labo nin oo Soomaali ah kuwaasoo ay sheegeen iney u shaqeynayeen Kooxda Xuutiyiinta ee taageeradda ka hela Dowladda Iiraan.

Warbaahinta dalkaasi oo ilo milateri soo xiganaya ayaa sheegtay  in ciiddanka dowlada ee ku sugan degaanka Al-Zanuuj ee duleedka magaalladda Tacis ay qabteen raggan Soomaalida ah xilli ay doonayeen inay waxyaabaha qarxa ku aasaan dhismo ku yaalla deegaanka.

Mid ka mid ah raggan Soomaalida ah ayaa ku dhaawacmay rasaas ay ku fureen Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Xuutiyiinta sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Yemen.

Sawiradda labada nin ee Soomaalida ah oo aan magacyadooda la sheegin ayaa waxaa soo bandhigay qaar ka mid ah warbaahinta dalka Yemen.

About Ahmed Xaaji Halane

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

shares