Templates by BIGtheme NET
Home / NEWS TODAY / Boqorka sucudiga Oo Shir Deg Deg Ah Isugu Yeray Khalijka iyo Jamacada Carabta

Boqorka sucudiga Oo Shir Deg Deg Ah Isugu Yeray Khalijka iyo Jamacada Carabta

Riyad Wanaagside.com Boqorka Sacuudiga Salman bin C/casiis ayaa golaha iskaashiga dawladaha khaliijka iyo kan dawladaha Carabta ugu baaqay in la isugu yimaado labo shirweyne oo degdeg ah si looga wada xaajoodo saameyntii ka dhalatay weerraradii lala beegsaday maraakiibta Sacuudiga iyo imaaraadka Carabta.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa sheegtay in laba shirweyne magaalada Makah lagu qaban doono 30-ka bishan May.

Baaqaan ayaa imaanaya ayadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda gobolka ka taagan ee u dhaxaysa Maraykanka iyo Iiraan.

Maraykanka ayaa maalmihii la soo dhaafay maraakiib iyo diyaarado dagaal kusoo daad gureeyey khaliijka sababo la xiriira wax uu ku tilmaamay khatar uga imaanaysa Iran.

Baaqan ayaa imaanayo iyadoo labo markab oo ganacsi lagu weeraray meel u dhow biyaha dawladda Imaaraadka Carabta, iyo weerar ay kooxaha Xuutiyiintu ku qaadeen xarumo kuwa shidaalka ah oo ku yaalla  Sacuudiga.

About Ahmed Xaaji Halane

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

shares