Templates by BIGtheme NET
Home / NEWS TODAY / Deg Deg Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Dhawaqay In Somaliya Eeysan Heysan Wax Dhaqaalo Ah

Deg Deg Madaxweyne Farmaajo Oo Ku Dhawaqay In Somaliya Eeysan Heysan Wax Dhaqaalo Ah

Muqdisho Wanaagside.com Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintii shalay khudbad ka hor jeedinayay shirka magaalada Muqdisho uga furmay culima’udiinka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in dowladdiisu xiligan wajeyso dhaqaale xumo baahsan.

Wuxuu sheegay in caqabadaha heysta dowladda uu madaxweynaha ka yahay ay ugu horeysay arinta dhaqaale, isaga oo sababta ku mic-neeyay in sidii loo baahnaa aan loo heli daqli uruurintii gudaha.

Wasaarradda Maaliyada ayaa marar badan oo hore ku celcelisay in hormar laga sameeyay dhinaca kocbaha dhaqaalaha dalka iyo daqli uruurinta, taasoo sababtay ayeey tiri Wasaarraddu in la hormariyo hannaanka maaliyadeed ee dalka.

Laakiin hadalka madaxweynaha uu maalintii shalay ka sheegay culimada uga furmay Muqdisho ayaa meesha ka saaraya sheegashada Wasaarradda Maaliyada ee la xiriirta kobaca dhaqaalaha dalka.

About Ahmed Xaaji Halane

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

shares