Templates by BIGtheme NET
Home / NEWS TODAY / Madaxweyne Farmaajo Oo Garab Weydistay Culumada Somaliyed Kadib Markii Uu Ka Soo Bixi Wayey Balankii 2017

Madaxweyne Farmaajo Oo Garab Weydistay Culumada Somaliyed Kadib Markii Uu Ka Soo Bixi Wayey Balankii 2017

MuqdishoWanaagside.com Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Somaliya Maxamed cabdulahi maxamed ayaa garab weyn weydistay Culamada Somaliyed kadib markii uu Maren wayey awoda Maleshiyadka Al shabaab oo 2017 uu ku shegay inuu ku cirib tirayo mudo laba sano ah.

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ka dalbaday Culimadda Somaliyed inay door ku yeeshaan dib u heshiisiin ku aadan Shabaab & dowladda Federalka Somaliya.

Madaxweynaha oo ka hadlaayay Shirka Culimadda ee Muqdisho ka socda ayaa sheegay haddii ay suuragal tahay in dowladda & Shabaab ay wada hadal siiyaan oo ay ka shaqeeyaan Culimadda arrintaasi ay tahay mid wanaagsan.

“Haddii ay suuragal tahay inaad ka wada shaqeysaan dib u heshiisiinta dowladda & iyaga waa door culimadda Somaliyed u furan, kuwaasi haddii ay qaldameen oo diinta si qaldan u fasireen haddaad tustaan Iftiinka oo xaqa aad tustaan, waxaan aaminsanahay in kuwaasi awoodooda yaraanayso.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Isaga oo hadalka sii wata ayaa Madaxweyne Farmaajo wuxuu weerar afka ah ku qaaday Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda ka soo horjeeda.

“Markii laga hadlaayo dowladnimada dhan in geedka jirida loo gooyo oo loo diido xasilooni, oo la bilaabo waxyaabaha aan naqaano oo qalalaase Siyaasadeed & Khilaafaad oo laga hadlo dowladda oo dhan in la bedelo oo loo tago Beesha caalamka oo lagu dacweeyo, taasi waxa weeye dumin ee ma’ahan Mucaarad iyada lafteeda waa caqabadaha na haysta.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

About Ahmed Xaaji Halane

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

shares