Templates by BIGtheme NET
Home / NEWS TODAY / Boqolaal Ruux Oo Maanta Ku Dhintay Casimada Dalka Sirilanka

Boqolaal Ruux Oo Maanta Ku Dhintay Casimada Dalka Sirilanka

Colombia Wanaagside.com Qaraxyo xoogan oo lala eegtay hoteelo iyo kaniisado ku yaal Sri Lanka ayaa waxaa ku dhintay 238 ruux halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 450 qof oo u badnaa dad ku sugnaa Kaniisasaha.

Sadex qarax ee ugu horeysay ayaa lagu weeraray Kaniisadaha Catholica,halka sedax kale laga maqlay hotelada waaweyn ee kala ah Cinnamon Grand, Kingsbury iyo Shangri-La oo ku yaal bartamaha magaalada Colombo.

Qaraxyada oo u muuqda kuwo la sii qorsheeyay marhore ayaa waxaa u dhaxeeyay mudo hal saac iyo bar ah.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay mas,uuliyada weeraradaan dadka badan ay ku dhinteen Axadan.

Mid ka mid ah kaniisadaha la weeraray oo lagu magacaabo St Anthony ayaa waxay ku taal magaalada Colombo,halka kanisada St Sebastian ay ku taal degmada Negombo oo 30 kiilo mitir u jirta caasimada.

Kaniisada sedaxaad ayaa iyada ku taal magaalada Batticaloa, oo 250 kiilo mitir dhanka Bari uga beegan magaalada Colombo ee dalka Sri Lanka.

About Ahmed Xaaji Halane

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

shares