Templates by BIGtheme NET
Home / NEWS TODAY / Madaxweyne Farmaajo Oo Kormer Lama Filaana Ah Ku Tagay Degan Dhawan Laga Saray Al shabaab

Madaxweyne Farmaajo Oo Kormer Lama Filaana Ah Ku Tagay Degan Dhawan Laga Saray Al shabaab

SabiibWanaagside.comMadaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ay wehliyaan masuuliyiin iyo saraakiil ciidan ayaa maanta kormeer kedis ah ku tagay deegaanka Sabiib oo kuyaala duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Farmaajo iyo xubnaha la socday ayaa deegaanka Sabiib ku tagay diyaarad nuuca qumaatiga u kaca, waxa uuna Madaxweynaha deegaankaasi kula kulmay saraakiil katirsan ciidanka Kumaandooska Soomaaliya iyo qaar kamid ah dadka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa saraakiisha iyo ciidamada uu la kulmay ku amaanay howlgalka ay kula wareegeen deegaanka Sabiib iyo sida amaanka uga shaqeenayaan, waxa uuna Madaxweynaha sheegay in howlgalada ciidanka ay sii socon doonaan.

Deegaanka Sabiib oo qiyaastii 10-km u jira degmada Afgooye ayaa dhawaan waxaa la wareegay ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya ee Danab, waxaana deegaanka Al Shabaab u aheyd goob istaraatiiji ah ay kasoo weeraraan degmada Afgooye.

About Ahmed Xaaji Halane

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

shares