Templates by BIGtheme NET
Home / NEWS TODAY / Wadoyinkii Furnaa Oo Gabi Ahaanba Loo Xiray Ra”isul Wasaare Kheyre

Wadoyinkii Furnaa Oo Gabi Ahaanba Loo Xiray Ra”isul Wasaare Kheyre

Muqdisho Wanaagside .com Waxaa saakay xiran qaar badan oo kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, waxaana wadooyinka lasoo dhigay ciidamo badan oo booliis ah oo gaadiidka wadooyinka ka celinaya.

Wadooyinka xiran waxaa kamid ah Laamiga Maka Al Mukarama, Laamiga Wadaha ,Laamiga Sodonka ,Warshadaha iyo wadooyin kale, waxaana dhamaan wadooyinkan lasoo dhigay ciidamo badan.

Wali lama oga sababta loo xiray wadooyinka muhiimka ah ee kuyaala magaalada Muqdisho, waxaana la arkayay dadweyne badan oo lugeenaya kadib markii loo diiday in wadooyinka maraan gaadiidkii ay la socdeen.

Wararka qaar aan heleyno ayaa sheegaya in Madaxweynaha ama Ra’isul Wasaaraha maanta midkood kormeer ku tago xeryaha ciidanka ee kuyaala qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay sii xumaanayay, waxaana magaalada ka dhacayay qaraxyo xoogan iyo sidoo kale dilal qorsheesan oo loo geesanayay dad kala duwan.

 

About sahro abdi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

shares