Templates by BIGtheme NET
Home / NEWS TODAY / Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Muqdisho Kaga Dhawaqay Guluf Coladeed Iyo Abaabul Culus

Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Muqdisho Kaga Dhawaqay Guluf Coladeed Iyo Abaabul Culus

Muqdisho Wanaagside.com Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kormeer ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga & Xerada Ciidamada Jeneraal Gordan ee ku taallo Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Maalmahan dambe waxaa taagnaa Ciidamo ka cabanaya Mushaar la’aan kuwaasi oo ka soo baxay furumaha dagaalka qaar ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Iyadoo arrimahaasi ay jiraan, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, waxa uu maanta tagay labadaasi Xarumood oo Saldhig u ah Ciidamada Militariga Soomaaliya.

Related image

Ilo Wareedyo ayaa sheegay in Madaxweynaha uu kala hadlay arrimaha ku aadan Ciidamada & xalkooda Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, islamarkaana Madaxweynaha uu u sheegay muhiim inay tahay qaadista dagaal ka dhan ah Shabaab.

Wadooyinka ku dhaw Wasaaradda Gaashaandhigga & wadada Tarabuunka ayaa loo xiray intii Madaxweynaha Soomaaliya uu ku guda jiray kormeerka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya & Xerada Ciidamada ee Jeneraal Gordan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in la diiwaangeliyo Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, diiiwaangelintaasi oo caqabado kala duwan ay ka yimaadeen.

About sahro abdi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

shares