Templates by BIGtheme NET
Home / NEWS TODAY / Yuusf Garaad Oo Garab Istagay Ciidamadii Gadooday Kheyre Ka Dalbaday Cadenta Bixinta Musharadka

Yuusf Garaad Oo Garab Istagay Ciidamadii Gadooday Kheyre Ka Dalbaday Cadenta Bixinta Musharadka

Muqdisho Wanaagside.com Ex Wasirkii Hore ee Arimaha Dibada Amb Yusuf Garaad Cumar ayaa jawaab kulul siiyey Siyasiyiinta Tagersan Siyasada Villa Somaliya iyo Xukuumada Ra”iisul Wasaare Kheyre.

Yusuf Garaad cumar ayaa tagerayasha Siyasaded ee Nabad iyo Nolol ugu digay ineysan dalkan ka abuurin dabelo qatar galinkara ayaaha Somaliyeed,wuxuuna digniintan si dadban ugu wada yusuf garaad hadalkii dhawan uu jediyey Ra”iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uuna ku shegay in ciidadamada sh/dhexe yihiin maleshiyad tagersan Dowlada Kaliya ee aan eheen ciidamo sharciga wafaqsan.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar ayaa jawaab kulul u diray dadka qabiileynaya ciidamada dowladda Soomaaliya ee mushaharka uu ka maqan yahay.

Related image

Taageerayaasha madaxweynaha ayaa dhowaan billaabay in ciidamada gadooday, oo badankood ku sugan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe ku sheegaan ciidan qabiil oo dowladda aan u diiwaan gashneyn.

Yuusuf Garaad oo arrintan ka jawaabaya ayaa jawaab kulul soo dhigay bartiisa facebook. Hoose ka aqriso qoraalka.

Shakhsiyaadka ujeeddada gurracan ee isku dayaya in ay qabiileeyaan gadoodka xubnaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed qaarkood ee dalbaya mushaarkeedu, ha ka dhowrsadeen kala fogeynta Soomaalida.

Haddii aad mas’uul tahay, caddee in askariga gadoodsani uu mushaar iyo saanad qaatay.

Haddii kale, caddee in muwaaddinkan doodayaa aanuu ahayn askari dowladeed.

Labadaa su’aalood ayaa meesha yaalla ee laguma weydiin askarigu qabiilka uu yahay.

“Qofkii dabayl abuurtaa wuxuu gurtaa duufaan” waa Maahmaah Faransiis ah.

About sahro abdi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

shares