Templates by BIGtheme NET
Home / NEWS TODAY / Xogculus Mid Kamida Gutoyinka Ciidamada Xoga Oo Sii Dayey Sarkaal Kamida Ururka Al-shabaab

Xogculus Mid Kamida Gutoyinka Ciidamada Xoga Oo Sii Dayey Sarkaal Kamida Ururka Al-shabaab

Marka Wanaagside.com Ciidamo ka tirsan Guutada 14-ka Octoobar ayaa sii daayey sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab kaas oo laga qabtay magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Warbaahinta Madaxa Banaan ee Wanaagside.com

Sarkaalka la sii daayay ayaa la sheegay in sii deysmadiisa ay ka dambeeyeen oo ay fududeeyeen 5 Askari oo ka tirsan Guutada 14-ka Octoobar oo Marka ku sugan,waxaana xogta sii racinayaan in xiriir dhaqaalo loo badinayo sii denta sarkalkaasi kamida ururka Argagigixisada Al-shabaab.

Dood ka dhalatay arintaan ayaa shalay iyo maanta ka taagan degmadaasi, waxaana jimcihii mar ka dhacay dagaal gudaha kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Milateriga Somaliya oo ku kala fakar duwanaday sii deenta sarkalkaasi al shabaab.

Saraakiil katirsan Guutada 14-ka Octoober ayaa Wanaagside.com u sheegay in shalay uu marka gaaray Taliyaha Guutada 14-ka Octoober, waxaana la soo xiray 5 Askari oo la aaminsan yahay in ay sii daayeen Sarkaalkaasi Shabaabka ah, sidoo kalane ay ka dambeeyeen dilka 2 ka mid ah Ciidamada Guutada 14-ka October oo ku dhintay isku dhacyo halkaasi ka dhacay.

Image result for top secret

Illaa iyo hadda lama yaqaan sababta ay ciidamada usii daayeen sarkaalka. Hase yeeshee mararka qaar waxaa dhacda in askarta dowladda ay lacag dhaafsadaan arrimahan oo kale, ama ay kusii daayaan hab qabiil.

Wali wax wara kama soo bixin Wasaarada Difaaca Somaliya iyo Hay’ada Nabad Sugida Qaranka oo la sugayey iney war ka soo saraan sababta kentay sii desmadiisa sarkalkan al shabaab,dhanaka kale isku dayo aan la sameynay maamulka degmada ayeysan noo surta galin inaan ka sii helno xogo dherada.

About sahro abdi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

shares