Templates by BIGtheme NET
Home / NEWS TODAY / Wasirka Warfaafinta Somaliland Oo Xabsiga Loo Taxabay Hantidhowraha Oo Shegay inuu Yahay Cadaalad Suge

Wasirka Warfaafinta Somaliland Oo Xabsiga Loo Taxabay Hantidhowraha Oo Shegay inuu Yahay Cadaalad Suge

Hargeysa Wanaagside.com Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay wasiirkii warfaafinta xukuumadda Somaliland oo eedeymo badan loo heysto.

Wasiirka warfaafinta Somaliland C/raxmaan Gurobarwaaqo ayaa ciidamada ay xabsiga dhigeen waxaana la sheegay in loo heysto eedeymo ay kamid yihiin musuq maasuq uu sameeyay wasiirka.

Muddooyinkii ugu dambeeyay Somaliland ayaa xabsiga dhigeysay siyaasiyiin hore oo xilal soo qabtay iyo kuwa hadda xilalka haya, kuwaasi oo eedeymaha loo heysto Musuq maasuq ay ugu horeeyaan.

Related image

Wasiirka xabsiga la dhigay ayaa waxaa uu xilka ku wareejiyay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Abees, waxaana kadib xabsiga la dhigay wasiirka.

Hanti dhowr-ka guud ee Somaliland ayaa markii hore goostay warqad xarig ah oo lagu soo xirayo wasiirka markii uu ka horyimid xubno ka mid ah wasaaradda in ay Maxkamadda hortagaan.

Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa Wasiir Guribarwaaqo in uu hortago Maxkamadda Magaalada Hargeysa si uu uga jawaabo eedaha loo heysto, sida masuuliyiinta Somaliland ay sheegeen.

Sidoo kale dadka la xiray waxaa kamid ah labo agaasime oo ka tirsan wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Somaliland.

About sahro abdi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

shares