Templates by BIGtheme NET
Home / NEWS TODAY / Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni Oo Ka Horyimid Hos U Dhiga Ciidada AMISOM Hanjabaadii Ugu Culsleed Warbahinta U Mariyey…

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni Oo Ka Horyimid Hos U Dhiga Ciidada AMISOM Hanjabaadii Ugu Culsleed Warbahinta U Mariyey…

Kanpala Wanaagside.com Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa ku hanjabay in ciidankiisa qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya uu guud ahaan la baxayo hadii la isku dayo in la dhimo ciidankiisa.

Yoweri Museveni ayaa sheegay in Qaramada Midoobay kala hadlay qorshaha la doonayo in lagu dhimo ciidanka AMISOM ee ka howlgala gudaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni  ayaa si cad u sheegay in Soomaaliya kala baxayo ciidanka ka jooga oo gaaraya  6,400, hadii la isku dayo in xitaa hal askari oo kamid ah la saaro.

Related image

”Waxa ay noo soo bandhigeen golaha amaanka in aan dhino ciidankeena jooga Soomaaliya, waxaana u cadeeyay in ciidankeena wada joogaan Soomaaliya ama laga soo wada saarayo” Ayuu yiri Madaxweyne Musevani.

Dowlada Brundi ayaa horey uga biyo diiday qorshaha lagu dhimayo ciidanka ka jooga Soomaaliya, waxaana ciidanka AMISOM ee Soomaaliya jooga dhaqaalo badan ka hela dadlka ciidamada usoo diray ee ku jiraan Uganda ,Brundi iyo Jabuuti.

About sahro abdi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

shares