Templates by BIGtheme NET
Home / NEWS TODAY / Deg Deg Wasiirkii Dasturka Dowlada Federalka Somaliya Oo Gordhawed Geriyoday

Deg Deg Wasiirkii Dasturka Dowlada Federalka Somaliya Oo Gordhawed Geriyoday

Dubai Wanaagside .com Masulin Kamida Mamulka Gobalka Banaadir iyo Masuliyiin Kamida Madaxtoyada Somaliya ayaan gordhawed wabset wanaagside.com u xaqiijiyey geria Midkamida Wasiirada Dowlada Federalka Somaliya.

Masuliyintan ayaa sheegaya in isbitaal ku yaalla magaalada Dubai ee dalka imaaraadka carabta uu si lama filaan ugu geeriyooday C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ahaa Wasiirkii dastuurka Xukuumada federaalka Somalia.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu magaalada Dubai u tegay arrimo qoys, si uu uga qeyb galo meherka iyo arooska gabadhiisa oo caawa ka dhici lahaa halkaas.

Hase ahaatee Wasiir Xoosh ayaa waxaa la sheegay inuu saaka ku soo booday xanuun deg deg ah, waxaana loola cararay Isbitaal ku yaalla magaalada Dubai oo wax yar ka hor uu ku geeriyooday sida ay sheegeen xubno ka tirsan qoyskiisa.

Geerida wasiirka ayaa waxaa sidoo kale allbanaadir.com u xaqiijiyey xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan xukuumada Somalia.

About sahro abdi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

shares